Fadeexad dul-hoganaysa Villa Somalia kadib markii la waayey wefti loo diray Kosovo.

Thursday November 12, 2026 - 09:49:22
MeMO Staff
Waxaa soo baxaya fadeexado hor leh oo hareeyey kooxda Villa Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib markii la waayey sagaal xubnood oo ka tirsanaa wafdi dhawaan loo diray dalka Kosovo, ee ku yaalla qaaradda Yurub.
War ay dowladda Kosovo arrintan kasoo saartay ayay kooxda riddada Soomaaliya kaga dalbatay inay si degdeg ah uga jawaabto halka ay ku dambeeyeen sagaalka xubnood ee ka tirsanaa wafdiga, kuwaas oo ku dhawaad bil ka hor booqasho ku tegay caasimadda waddankaasi ee Pristina.

Sida ay caddeyneyso warqad rasmi ah oo ay qortay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee kosovo, wafdiga ka socday kooxda Villa Soomaaliya ayaa 25kii October tagay dalkaasi, iyagoo la rajaynayay inay dib u soo laabtan marka ay soo dhamaystaan socdaalkooda.

Sagaalka qof ayaa sida la sheegay hoygooda ka baxay 27-kii Oktoobar, iyaga oo aan la socodsiin mas'uuliyiinta Kosovo, xilli loo qorsheeyay inay dalka ka dhoofaan. Waxaana maalintaasi dalka ka baxay oo keliya laba wasiir oo hoggaaminayay weftigaasi.

Kosovo ayaa ka codsatay kooxda Villa Soomaaliya inay gacan ka geysato ogaanshaha halka ay joogaan sagaalka qof ee weli la la’yahay, iyadoo dhanka kalena warbaahinnada qaar ay sheegeen in sagaalka qof ay suuragal tahay inay u gudbeen dalal kale oo Yurub ah si ay magangelyo u weydiistaan.

Ma aha markii ugu horreysay ee lasoo bandhigo fadeexad noocan oo kale ah, balse marar badan oo ka horreeyey ayaa sidan oo kale loo waayay xubno ka tirsan wufuud ay kooxda riddadu u kala dirtay qaar ka mid ah dalalka reer-galbeedka.

Related Items

Update cookies preferences